Daariz Somali 1.13.7.release [free]

기술

Daariz waa barnaamij xiiso leh, bilaash ah oo si fudud kaaga caawinaya barashada akhriska iyo qoraalka Af-Soomaaliga goobkasta iyo goorkasta oo aad joogto.
Akhriska Af-Soomaaligu waxa uu lama-huraan u yahay waxbarashada, shaqada, xidhiidhka ehelka, adeegyada tignoolajiyadda cusub sida Zaad ama E-dahab iyo adeegsiga baraha bulshada
oo ah waaga cusub ee wada-xidhiidhka iyo xog-helidda wakhtigan casriga ah.
Haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad aqoon kooban u leedahay afka Soomaaliga oo aad rabto in aad kordhisato, barnaamijka Daariz waa habka ugu habboon ee aad si
dhakhso ah ugu baran karto Af-Soomaaliga.
Haddaba si aad u bilawdo geeddiga aad akhriska ku baranayso ama aad cid kale ku barayso, la soo deg barnaamijka Daariz. Waxa aad ka heli doontaa boqollaal cashar iyo laylisyo.
Waxa intaa kuu dheer, sheekooyin kala geddisan oo aad dhammaantood heli karto adiga oo aan wax khad (Internet) ah u baahan. Taasi waxa ay kuu suuragelinaysaa in aad goob kasta
iyo goorkasta wax ku baran karto.
Waxbarashadu waa in ay noqotaa mid uu ardaygu xiiseeyo. Sidaasi darteed, mar kasta oo aad cutub ama cashar dhammeyso, waxa aad ku guuleysan doontaa neefaf geel ah (oo daruuraha
kuugu xareysan!). Waxa aad kula tartami kartaa saaxiibbadaa adiga oo tirsanaya inta halaad ee aad ku guuleystay muddadii aad Daariz wax ka baranaysay.
Waxa aannu Daariz kusoo kordhin doonnaa barnaamijyo qofka akhriska bartaa ka heli doono waxbarashada dugsiyada oo la soo koobay iyada oo loogu talogalay dadkii aan fursad u
helin in ay dugsiyol galaan. Barnaamijyadan oo bilaash ahi waxa ay suuragelinayaan in qofkii dedaal la yimaaddaa uu imtixaan u fadhiisto oo qaato shahaadadaha
waxbarashada.
Haddii aad ka heshay barnaamijkan, fadlan xiddigaha qiimaynta shan na sii!

이전 버전

Free Download QR 코드에 의해 다운로드
  • 앱 이름: Daariz Somali
  • 종류: 교육
  • 앱코드: com.daariz
  • 버전: 1.13.7.release
  • 요구 사항: 4.4이상
  • 파일 크기 : 28.14 MB
  • 업데이트: 2022-09-28